Hay’ada Wadaniga ah ee MRF ayaa ku qabatay Degmada Burinle ee Goboka Nugaal kulankii 2aad ee wadahalada bulshada iyo wacyigalinta jooginta gudniinka iyo tacadiyada haweenka

Burinle 24-8-2025 Hay’adda wadaniga ah ee Manaal Relief Foundation MRF oo kaa shanaysa Ministry of Women Development & Family Affairs Dowladda Puntland iyo Dowladda Hoose ee Degmada Burtinle, ayaa maanta qabatay kulan kii 2aad ee wadahadalada iyo wacyigalinta bulshada kulankaas oo loo qabtay 40 qof oo kamida bulshada kaamka barakacayaasha Tawakal IDPs ee Degmada Burtinle

Ujeedka kulankaan ayaa ahaa in bulshada deegaanka fursad loo siiyo wadahadalo ku saabsan dhibaatada gudniinka iyo tacadiyada haween ka loo gaysto iyo in kor loo qaado wacyigelinta bulshada si loo joojiyo dhibaatada ka dhalata gudniinka gabdhaha iyo tacaddiyada ku saleysan jinsiga (GBV) tacadiyaas oo ku soo badanaya bulshada deekaanka Burinle .

Intii kulanku socday waxaa bulshada kaamka

Barakacayaasha Tawakal IDPs fursad u heleen in ay gorfeeyaan dhibaatooyinka ka dhasha gudniinka gabdhaha iyo sida xal waara looga kaari karo .

Wacyigelintan waxay si gaar ah u xoojinaysaa dadaalada ay wadaan Dowlada Puntland iyo hay’adaha bahwadaagta la ah si loo ciribtiro dhaqamada waxyeellada leh ee ka dhanka ah dumarkeena.

Mashruucan waxaa maalgeliyay Dowladda Jarmalka, waxaana fulisay Hay’adda GIZ, oo kaa shanaysay hay’adda waxaliga ah ee MRF.

GIZ,German International Cooperation

#MRFSOMALIA

#Burtinle#Wacyigelin#JoojintaGudniinkaGabdhaha

You may also enjoy these articles