Shirka Ololaha Ansixinta wax kabadalka qabyo qoraalka Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha

Garowe 22-oct-2025 Masuuliyiin ka tirsan Hay’ada Maxaliga wadaniga ah ee Manaal Relief Foundation (MRF) ayaa ka qayb galay Shirka Ololaha Ansixinta wax kabadalka qabyo qoraalka Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha, kaas oo ka dhacay Hotel Martisoor ee magaalada Garoowe.

Shirka ujeedkiisa wuxuu ahaa u qariimid sidii loo ansixin lahaa wax kabadalka qabyo qoraalka Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha iyo in wacyigalin loo soo sameeyo qaar kamida golaha sharci dejinta Dowladda Puntland dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee uu gudniinku ku hayo gabdhaha Somaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa reer Puntlnad iyadoo ay Wasaaradda Haweenka iyo Hurumarinta Arrimaha Qoyska ay diyaarisay khuburo isugu jira dhaqaatiir culumo iyo hooyooyin soo bandhigta dhibaatooyinka uu gudniinku ku hayo hablaha Soomaaliyeed.

intii kulanku socday ayaa lagu xoojiyay wacyigelinta iyo taageerada ansixinta wax kabadalka qabyo qoraalka Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha iyadoo lagu adkeeyay fariinta “FGM Zero Tolerance” si loo ilaaliyo xuquuqda iyo badbaadada gabdhaha.

Waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin dowladeed, culimo, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda.

You may also enjoy these articles